Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo dib u dhigay safarkiisii dalka Itoobiya ayaa maanta ku wajahan…

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo dib u dhigay safarkiisii dalka Itoobiya ayaa maanta ku wajahan Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.
Ujeedada safarka Madaxweynaha ee Boosaaso ayaa salka ku haya xoojinta hawlgalka Hillaac oo xooggiisu xilligaan ka socdo buuraleeyda Cal-miskaad gaar ahaan togga Baalade.
Ciidanka difaaca Puntland iyo Daacish ayaa maalmihii la soo dhaafay dagaalo adag ku dhexmareen nawaaxiga Ceelka Rasaqan ee togga Baallade, oo ay ku dhuumanayaan horjoogayaasha sarsare oo katirsan malayshiyaadka Daacish.
Maalinimadii shalay ciidanka ayaa togga Daanyo ee degmada Qandala ku dilay saddex xubnood oo ka tirsanaa firxadka Daacish, kuwaasi oo sawiradooda lagu soo bandhigay barta Telegram-ka.



