Madaxweynaha Puntland oo kulamo ka bilaabay Magaalada Boosaaso.

17 July, 2025

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo gaarey Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa kulamo…

Siciid Cabdullaahi deni qardho

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo gaarey Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa kulamo la qaatay guddoomiye ku-xigeenka golaha shacabka iyo saraakiisha hoggaaminaysa hawlgalka Hillaac ee Cal-miskaad.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray qorsha ciribtirka Daacish, tallaabooyinka xiga ee la qaadi doono iyo waxka qabashada arrimaha bulshada deegaamadii laga xorreeyey kooxda Daacish.

Dhanka kalena, Madaxweyne Deni ayaa inta uusan u safrin Boosaaso shir guddoomiyey kulankii todobaadka ee golaha xukuumadda oo looga hadlay adkaynta Amniga, Midnimada iyo wadajirka dadka reer Puntland, Xaaladda Siyaasadeed ee dalka, waxaa si gaar ah diirada loo saaray Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ee ka socda Calmiskaad oo maraya meel gebogebo ah.

Kulanka Golaha Wasiirada ayaa lagu qeybiyey wax-ka-bedelka Xeerka Kalluumeysiga oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Kalluumeysiga, Kaasi oo ay soo akhrin doonaan xubnaha Golaha wasiirada si ay uga doodaan ansixintiisa, waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay Golaha nashqada dhismaha cusub ee Wasaaradda Kalluumeysiga ee Garoowe.