Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo muddooyinkii dambe safar ku joogey gobolka Mudug ayaa saaka…

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo muddooyinkii dambe safar ku joogey gobolka Mudug ayaa saaka gaarey degmada Galdogob oo uu kulamo kala duwan kula qaatay isimada dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Ugu horrayn Madaxweyne Deni ayaa kulan la qaatay Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed oo uu ku booqday hoygiisa uu ka deggan yahay Magaalada Galdogob, iyagoo ka wada hadlay xaaladda deegaanka, tabashooyinka bulshada iyo midnimada Puntland.
Dhanka kalena, Madaxweynaha ayaa gelinkii dambe ee maanta kulan la qaatay odayaasha dhaqanka, dhallinyarada iyo haweenka degmada Galdogob, oo sida la sheegay uu kala hadlay baahiyohooda iyo sidii loola shaqayn lahaa xukuumaddiisa.






