Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan is-xogwareysi iyo talo-ururin ah la qaatay masuuliyiintii iyo…

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan is-xogwareysi iyo talo-ururin ah la qaatay masuuliyiintii iyo wafdigii ku weheliyay safarkii shaqo ee uu ku tegay deegaanno ka tirsan Gobolka Mudug.
Xubnaha Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiinta kale ee qeybta ka ahaa safarka ayaa Madaxweynaha la wadaagay warbixinno ku saabsan kulamadii ay la yeesheen bulshada deegaannadii la booqday, iyagoo soo bandhigay xaaladda nabadgelyada, adeegyada bulshada iyo baahiyaha mudnaanta leh ee ka jira deegaannadaas.
Kulamadaasi ayaa qeyb ka ahaa dadaallada Dowladda Puntland ee lagu qiimeynayo xaaladda nololeed iyo baahiyaha bulshada, gaar ahaan dhinacyada amniga, caafimaadka, waxbarashada, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo adeegyada aasaasiga ah.
Madaxweyne Deni ayaa lafilayaa inuu maanta soo gabagabeeyo socdaalkii uu ku marayey inta badan deegaamada gobolka Mudug, isagoo ku wajahan Magaalada Boosaaso oo sida qorshuhu yahay uu kulamo kula qaadan doono saraakiil ciidan & diblumaasiyiin ka socda dowladda Maraykanka.




