Madaxweynaha Puntland oo la kulmay saraakiil katirsan Itoobiya & Maraykanka.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa gelinkii dambe ee maanta safar aan faahfaahin dheeraad ah…

24 July, 2026

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa gelinkii dambe ee maanta safar aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin ugu kicitimay Magaalada Addis Aababa ee xarunta Midowga Africa.

Saraakiil katirsan Madaxtooyada Puntland ayaa warbaahinta maxaliga ah u xaqiijiyey in Madaxweynuhu uu casimaad ka helay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uuna la kulmi doono qaar kamid ah daneeyayaasha arrmiha Somalia iyo ammaanka geeska Africa.

Muddada uu ku sugan yahay Addis ayaa lafilayaa in Madax katirsan dowladda Itoobiya iyo saraakiil katirsan Safaaradda Maraykanka oo ay ka wada hadli doonaan arrimaha siyaasadeed ee gobolka iyo dagaalka lagula jiro kooxaha nabaddiidka ah ee Daacish iyo Alshabaab.

Puntland ayaa dhawaan Itoobiya ku wareejisey in ka badan 30 dhallinyaro ah oo ka soo jeedda dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, kuwaas oo lagu qabtay gobolka Sanaag xilli la sheegay in loo wadey dalka Eletrea oo xiisad siyaasadeed kala dhexayso dowladda Itoobiya.

Safarka Madaxweyne Deni ayaa ku soo aadaya xilli uu muddo arrimo caafimaad dalka uga maqan yahay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor, waxaana markii ugu horreysey kusime noqday guddoomiyaha barlamaanka Puntland Cabdirisaaq Axmed Siciid.