Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya kulamo kula qaatay wakiilo…

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya kulamo kula qaatay wakiilo ka socda beesha caalamka.
Madaxweyne Deni oo ay weheliyeen xubno katirsan golaha xukuumadda ayaa waxay kulamo looga arrinsanayo xaaladda siyaasadeed ee Somalia la qaateen Danjirayaasha Qaramada Midoobey, Mareykanka, UK & Midowga Yurub.

Dhanka kalena, wakiilada beesha caalamka ee ku sugan Nairobi ayaa kulamo la qaadan doona Madaxda Jubbaland & Madasha Mucaaridka ee ku midoobey golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, xilli ay xukuumadda Somalia Muqdisho dhigtay gogol wadahadal.
Qaar kamid ah siyaasiyiinta ka soo horjeeda Villa Somalia ayaa dalabkii xukuumadda ku tilmaamay mid aan ka talinayn isu soo dhaweynta dhinacyada siyaasadda, iyagoo tilmaamay in cidda gogol qaran dhigi karta ay tahay madaxweynaha dalka.




