Madaxweynaha Puntland oo la kulmaya RW dalka Itoobiya.

15 July, 2025

Wafti uu hoggaaminayo Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa lafilayaa inay…

Siciid Deni Safar

Wafti uu hoggaaminayo Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa lafilayaa inay kulamo la qaataan madaxda dalka Itoobiya.

Wararka qaar ayaa tibaaxaya in Madaxweynuhu kulan la qaadan doono RW Itoobiya Abiy Ahmed iyagoo ka arrinsan doona kaga arrinsanayaan dardar gelinta iskaashiga dhinacyada Amniga, Xakamaynta Soogalootiga, La-dagaallanka Argagixisada, Horumarinta Ganacsiga iyo Maalgashiga.

Waxaa lafilayaa inay u soo gudbaan Magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo xuduud la leh Puntland, halkaasi oo ay ka dhacayaaan kulamo ku saabsan fulinta wixii ka soo baxa Shirka Addis Ababa iyo iskaashiga labada dhinac.

Itoobiya ayaa taageero farsamo, ammaan iyo caafimaad siisa hawlgalka ay Puntland ku ciribtirayso malayshiyaadka Daacish ee ku dhuumaalaysanaya buuraleeyda Cal-miskaad.