Madaxweynaha Puntland oo lagu soo dhaweeyey degmada Gumbax.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si wayn loogu soo dhaweeyey…

8 September, 2026

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si wayn loogu soo dhaweeyey degmada Gunbax ee gobolka Raasi-casayr, kadib markii uu habeenimadii xalay ka ambabaxay degmada Baargaal.

Madaxweynaha ayaa kulan la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada bulshada degmada, Madaxweynaha waxaa ku weheliyey Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire iyo masuuliyiinta golayaasha Dowladda Puntland.

Wafdiga Madaxweynaha dowladda Puntland uu ku marayo deegaamada durugsan ee gobolka Raas-casayr ayaa salka ku haya u kuurgelidda xaaladda deegaanka iyo dhegaysiga baahiyaha bulshada.