Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maalmihii la soo dhaafay safar ugu maqnaa Magaalada Addis…

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maalmihii la soo dhaafay safar ugu maqnaa Magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, ayaa galabta dib ugu soo laabtay Magaalada Garoowe ee caasimadda Dowladda Puntland.
Madaxweyne Deni, oo aysan dowladdu faahfaahin ka bixin socdaalkiisa dalka Itoobiya ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Magaalada Garoowe ku soo dhaweeyey Mas’uuliyiin katirsan xafiiskiisa.
Imaanshaha Madaxweyne Deni ee Magaalada Garoowe ayaa ku soo aadaya xilli ay Magaalada Garoowe ka socoto qabanqaabada xuska sanad guurada 28-aad ee ka soo wareegatey aasaaskii Puntland, iyadoo ay dheertahay xiisad laga dareemayo Magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug.




