Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa wareegto ka soo baxday xafiiskiisa ku magacaabay taliska ciidanka…

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa wareegto ka soo baxday xafiiskiisa ku magacaabay taliska ciidanka Madaxtooyada iyo guddiga tacliinta sare ee Puntland.
Madaxweyne Deni ayaa G/Sare Siciid Nuur Shire loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyadda Dowladda Puntland, halka uu taliyihii hore ee qaybta booliska gobolka Nugaal G/Sare Maxamed Cali Axmed (Marduuf) u magacaabay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Madaxtooyadda Dowladda Puntland.
Dhanka kalena, Madaxweynaha ayaa magacaabay guddiga tacliinta sare oo ka kooban 7 xubnood uuna guddoomiye u yahay Dr. Maxamuud Cabdiraxmaan Maxamuud (Hoorri) oo kamid ahaa bahda tacliinta.
1. Dr. Maxamuud Cabdiraxmaan Maxamuud (Hoorri) Guddoomiye
2. Dr. Cabdirisaaq Maxamuud Takar G. Ku-xigeen
3. Dr. Xafsa Maxamed Maxamuud Xubin
4. Dr. Cabdiweli Cabdiraxmaan Geyre Xubin
5. Dr. Faadumo Cabdullaahi Maxamed Xoosh Xubin
6. Dr. Aadan Cabdiqaadir Maxamed Xubin
7. Dr. Siciid Axmed Cali Maax Xubin



