Madaxweynaha Puntland oo qaabilay ehelada Cumar Cabdullaahi Cabdi oo duqayn lagu diley.

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi ayaa Magaalada Boosaaso ku qaabilay Suldaan Siciid Cabdisalaan, Cuqaal iyo ehelada…

25 September, 2025

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi ayaa Magaalada Boosaaso ku qaabilay Suldaan Siciid Cabdisalaan, Cuqaal iyo ehelada nabadoon Cumar Cabdullaahi Cabdi oo Maraykanku ku diley duqayn ka dhacday gobolka Sanaag.

Waftiga Suldaanka iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka wada hadlay dilkii nabadoonka iyo sidii qoyskiisa loola raadin lahaa caddaymo dheeraad ah oo ku aadan qaabkii loo diley, cidda ka gudbisay xogta kamid ahaanshaha Alshabaab iyo arrimo kale.

Cali Cabdullaahi Cabdi, oo la dhashay Caaqilka duqaynta lagu diley ayaa sheegay in madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uu u sheegay inaysan Puntland waxba ka ogayn dilka marxuumka uusanna jirin wax dembi la xiriira kamid ahaanshaha kooxaha nabaddiidka ah aysanna Puntland ka oollin wax kiisas ama galal dacwad ah.

“Kulan qaatay saacad iyo badh ayaan madaxweynaha la qaadanay, waxaana madaxweynaha ka dalbanay inuu nooga warramo wixii uu xaaladda ka ogyahay iyo wixii uu ka qabtay, wuxuu noogu jawaabay waa hawl qaran oo aan lee yahay waajib ayaana iga saaran, wuxuuna noo sheegay in Caaqilka uusan wax fal-dambiyeed ah ka oolin hay’adaha ammaanka iyo maxkamadaha Puntland horrayso iyo dambayso, wuxuu kale oo noo sheegay in duqayntii caaqilka lagu diley Dowladda Puntland aan wax ogaysiin ah laga siin ayna duqaynta ku war heleen”, Ayuu yiri Cali Cabdullaahi Cabdi.

Cali Cabdullaahi Cabdi, ayaa intaasi kusii daray,”Madaxweynuhu wuxuu noo sheegay in DFS iyo Maraykanku ku heshiiyeen in cid alla qofkii argagixiso lagu eedeeyo Maraykanku dili karo ama qaadan karo ayna taasi tahay sababta ay ugu dhiiradeen inay duqayn fuliyaan ogaysiis la’aan, waxaa nooga muuqday inuu arrintaa madaxweynuhu daacad ka yahay, uuna caaqilka maalmo kahor la kulmay aysanna u baahnayn inay duqayn ku dilaan iyadoo la xiri karey, wuxuuna noo sheegay inuu Maraykanka ka dalbaday inay faahfaahin dheeraad ah ka keenaan dilka Caaqilka”.