Madaxweynaha Puntland oo qaabilay wafdi ka socda Galmudug.

17 February, 2025

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qaabilay wafdiga ka socday Dowladda Galmudug kuwaasi…

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qaabilay wafdiga ka socday Dowladda Galmudug kuwaasi taakulo iyo garab istaag u muujiyey Ciidanka geesiyaasha ah ee Argagixisada Daacish ka sifeynaya Puntland, waxayna Wafdiga Galmudug taakuladii ay wadeen ku wareejiyeen shalay Guddiga taakuleynta iyo daryeelka Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland.

Madaxweynaha ayaa boggaadiyey garab istaaga Galmudug u muujisay Ciidanka iyo hawlgalka socda, wuxuuna xusay in ay muhim tahay in meel looga soo wada jeesto ciribtirka Argagixisada Daacish iyo Shabaab oo labudaba khatar ku ah guud ahaan Soomaaliya iyo Gobolka oo dhan.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Masuuliyiinta Gobolka Mudug ee Puntland, Guddiga taakuleynta iyo daryeelka ciidanka hawlgalka kujira, xubno ka mid ah goleyaasha Dowladda iyo saraakiil Madaxtooyo.