Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar ku maraya Gobolka Bari,…

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar ku maraya Gobolka Bari, ayaa lagu soo dhoweeyay Degmada Ufeyn ee Gobolka Bari.
Safarkan oo ku suntan GUUSHA CALMISKAAD IYO ADKEYNTA AMNIGA EE GOBOLKA BARI, ayaa ujeedkiisu yahay u kuurgelida xaaladda deegaannada iyo degmooyinka Gobolka Bari, iyadoo Madaxweynuhu kulamada la qaadanayo masuuliyiinta iyo bulshooyinka deegaannada uu booqanayo.
“Waxaan ku faraxsanahay in Safarka Guusha Calmiskaad iyo Adkeynta Amniga ee Gobolka Bari, aan maanta kusoo gaarnay Degmada Ufeyn, waan idiinka mahadcelinaynaa Sida weyn ee aad noo soodhoweyseen” ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland, oo fagaare Kula hadlay dadweynaha Degmada Ufeyn.
Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Puntland Mudane Maxamed Baari Shire, xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda Puntland, La-taliyeyaal Madaxweyne, Agaasimaha Guud iyo Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada iyo Saraakiil Madaxtooyo.







