Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa saaka safar ku tegaya Magaalada Badhan ee xarunta gobolka…

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa saaka safar ku tegaya Magaalada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag, oo maalmihii la soo dhaafay ay gaareen wafuud hordhac u ah socdaalkiisa.
Madaxweyne Deni ayaa Magaalada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag kulamo kula qaadan doona Suldaan Siciid Cabdisalaan oo dhawaan ka baxay Garoowe, kadib markii uu ka carooday iskushaandhayntii xukuumadda Puntland.
Madaxweyne Deni, Suldaan Siciid iyo qaar kamid ah isimada kale ee dhaqanka ayaa ka arrinsan doona xaaladda gobolka, arrimaha doorashooyinka federalka iyo isbeddelada siyaasadeed ee Somalia.
Dhanka kalena, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa booqan doona qaar kamid ah xeryaha ciidamada degmooyinka Qardho, Carmo iyo Badhan oo ay tababaro ku qaadanayaan boqolaal katirsan ciidamada booliska iyo Daraawiishta Puntland.




