Madaxweynaha Puntland oo saraakiil ciidan kula kulmay Magaalada Qardho.

7 April, 2026

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku jooga Qardho, ayaa maanta kulan…

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku jooga Qardho, ayaa maanta kulan mahadcelin iyo boggaadin ah la qaatay Saraakiisha Ciidanka Dowladda Puntland ee Hawlgalka Calmiskaad oo hadda gebogebo maraya.

Kulanka oo uu madaxweynaha kala qeybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire, waxaa looga hadlay guulihii ay Ciidamadu ka gaareen Howlgalka Hillaac ee Calmiskaad oo dhammaad ah iyo tababarada, iskudubaridka iyo diyaargarowga Hawlgalka Onkod ee Calmadow.

Madaxweynaha ayaa Ciidamada la wadaagay boggaadin ku saabsan isbedelka Amni ee wanaagsan ee ay horseedeen iyo in ay marwalbo diyaar u noqdaan difaaca dhulka, dadka iyo Dowladnimada Puntland.