Madaxweynaha Puntland Oo Shaqadii Ka Joojiyey Duqii Boosaaso

9 March, 2021

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdilaahi Deni ayaa shaqadii ka joojiyey Gudoomiyaha ahna duqa degmada Boosaaso Cabdisalaan Bashiir…

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdilaahi Deni ayaa shaqadii ka joojiyey Gudoomiyaha ahna duqa degmada Boosaaso Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan.

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweyne Deni ayaa shaqadii looga joojiyey guddoomiye Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan, Waxaana lagu sheegay inuu shaqada sii wadayo guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee degmadda Boosaaso.

Hoos ka akhriso:

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr 09 ee 9-ka Maarso 2021, kuna saabsan shaqo ka joojin Guddomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 80-aad

Markuu arkay: Eedaymaha la xiriira ku dhaqan la’aanta nidaamka maamulka dhaqaalaha ee degmadda Boosaaso

Markuu arkay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland.Markuu tixgeliyey: Cabashooyinka ka imanaya shacabka degmadda Boosaaso

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa shaqada laga joojiyey Guddomiyaha Degmada Boosaaso, Mudane Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan.

2. Waxaa shaqada sii wadaya Guddoomiye Ku-xigeenka kowaad ee Degmadda Boosaaso.

3. Waxaa la faray Hanti dhawrka Guud in ay baaris dhameystiran ku sameeyaan maamulka iyo maareyntaXeerkan waxaa uu dhaqangelaya marka uu Madaxweynuhu Saxiixo, wuuna saxiixay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *