Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa shaaca ka qaaday in guulaha dagaalkii ka dhacay Buuraleeyda…

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa shaaca ka qaaday in guulaha dagaalkii ka dhacay Buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari laga dareemay Boosaaso iyo Magaalooyinka kale ee deegaamada Puntland.
Siciid Deni, wuxuu sheegay guulaha dagaalkaasi laga dhaxlay ay sababeen isbeddel ku yimid ammaankii Boosaaso, qiimaha maciishadda iyo guud ahaan dhaqaalaha Magaalooyinka kala duwan ee Puntland.
“Dedaalkii badnaa iyo juhdigii naf-hurnimada lahaa ee aad geliseen Cal-miskaad waxaa nooga filan isbeddelka ku dhacay Magaalooyinka Puntland oo ay ugu horrayso Boosaaso, isbeddelada ku dhacay dhalinyaradeedii, dadkii ka cararay inay dib ugu soo laabtaan Garoowe, Qardho iyo Magaalooyinka kale waxa ka muuqda”, Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.
Dhanka kalena, Madaxweynaha ayaa ku booriyey saraakiisha ciidamada inay la tacaalaan wixii caqabado ah ee soo wajaha ciidamada xukuumadduna ay diyaar u tahay gudashada waajibaadkeeda ka saaran ciidamada.
“Waxaan u baahanahay ciidamadeena guusha dagaalka kaliya inaan looga sheekayn ee loo sheego natiijada wanaagsan ee ka dhalatay shaqadii ay qabteen, waan ka garaabayaa ciidankeena oo muddo sanad ka badan dagaal kujirey oo ka maqnaa ehelkooda laakiin saraakiishu waa inay bartaan maaraynta waxbadan”, Ayuu yiri Markale Madaxweyne Deni.




