Madaxweynaha Puntland oo u safraya gobolada Bari iyo Sanaag.

24 April, 2026

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa socdaal ku tegaya deegaamo iyo Magaalooyin katirsan gobolada Karkaar,…

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa socdaal ku tegaya deegaamo iyo Magaalooyin katirsan gobolada Karkaar, Haylaan, Sanaag iyo Bari ee Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa Magaalada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag kulamo kula qaadan doona Suldaan Siciid Cabdisalaan oo dhawaan ka baxay Garoowe, kadib markii uu ka carooday iskushaandhayntii xukuumadda Puntland.

Madaxweyne Deni, Suldaan Siciid iyo qaar kamid ah isimada kale ee dhaqanka ayaa ka arrinsan doona xaaladda gobolka, arrimaha doorashooyinka federalka iyo isbeddelada siyaasadeed ee Somalia.

Dhanka kalena, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa booqan doona qaar kamid ah xeryaha ciidamada degmooyinka Qardho, Carmo iyo Badhan oo ay tababaro ku qaadanayaan boqolaal katirsan ciidamada booliska iyo Daraawiishta Puntland.