Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa amar ku bixiyey in xabsiga dhexe ee gobolka Nugaal…

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa amar ku bixiyey in xabsiga dhexe ee gobolka Nugaal laga sii daayo 10 maxbuus oo loo haystey kiisas kala duwan.
Maxaabiistaan oo isugu jira dad da’a ah, kuwa aan dhaqaale haysan iyo kuwa ka soo jeeda deegaamo katirsan Koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa soo gudbiyey guddi uu arrimaha xabsiyada u xil-saaray guddoonka barlamaanka Puntland.
Guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland Cabdirisaaq Axmed Siciid oo la hadlay golaha wakiilada aya shaaciyey in maalinimadii shalay madaxweynaha ka codsadeen inuu cafis u fidiyo maxaabiistaasi uuna maanta amray siidayntooda.
“Kadib 4 kormeer oo lagu sameeyey xabsiga dhexe ee gobolka Nugaal waxaa guddigu soo gudbiyeen 10 maxbuus oo kiisas kala duwan loo haysto qaar yihiin dad waayeel ah, kuwa xanuusan iyo kuwa aan matalaad ku lahayn deegaanka, arrintaas shalay ayaan u gudbinay Madaxweynaha in cafis loo fidiyo 10-kaas qof lana siidaayo isla maantana madaxweynuhu waa fuliyey oo la siidaayey”, Ayuu yiri guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland.



