Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xilka ka qaaday agaasimihii Warbaahinta Dowladda Cali Cabdi Cali…

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xilka ka qaaday agaasimihii Warbaahinta Dowladda Cali Cabdi Cali Faarax iyo ku-xigeenkiisii Daahir Cabdulqaadir Axmed (Afloow).
Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxtooyada ayaa Waxaa si ku-meel-gaar ah loogu dhiibay maamulka TV-ga iyo Raadiyaha Dowladda Puntland Bile Maxamuud Axmed (Qabawsade), Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hiddaha iyo Dhaqanka Dowladda Puntland.
AKHRISO
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland, Qodobkiisa 80-aad.
Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo dardargelinta, dib-u-habeynta iyo tayeynta maamulka TV-ga iyo Raadiyaha Dowladda Puntland.
Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.
Wuxuu xeeriyey: –
1. Waxaa Cali Cabdi Cali Faarax laga qaaday xilkii Agaasimaha Guud ee TV-ga iyo Raadiyaha Dowladda Puntland.
2. Waxaa Daahir Cabdulqaadir Axmed (Afloow) laga qaaday xilkii Agaasime Ku-xigeenka TV-ga iyo Raadiyaha Dowladda Puntland.
3. Waxaa si ku-meel-gaar ah loogu dhiibay maamulka TV-ga iyo Raadiyaha Dowladda Puntland Bile Maxamuud Axmed (Qabawsade), Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hiddaha iyo Dhaqanka Dowladda Puntland.
4. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa marka uu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.



