Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa waraysi dhinacyo badan taabanaya oo uu bixiyey kaga hadlay…

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa waraysi dhinacyo badan taabanaya oo uu bixiyey kaga hadlay dagaalka ay dowladda iyo shacabka Puntland kula jiraan kooxda Daacish.
Madaxweyne Deni ayaa ugu horrayn sheegay in dagaalka argagixisada Puntland kula jirto uusan bilaaban sanadkii hore haseyeeshee uu socdey muddo ka badan 25 sano, wuxuuna caddeeyey in Daacish qorshaynaysay inay bishii 6aad ee sanadkaan qabsato Boosaaso.
”Xogaha aanu haynay wuxuu ahaa in Bishii lixaad ee aynu soo dhaafnay inay weerar ku qaadaan Bosaaso, Walahi Kartida Ciidamada Puntland waxaan ku sifeeyo garan maayo, Maraykanka waan uga mahad celinaynaa tageerada joogtada ee ay siiyaan Puntland iyo inay garawsadeen in Puntland tahay saaxbiib la isku halayn karo, DFS waxay carqaladaysay tageerada aan ka helaynay dalalka kale” ayuu yiri MW.Deni oo markii ugu horaysay ka hadlay dagaalka argagixisada Daacish ee ka socda Calmiskaad.
Dhanka kalena, Madaxweynaha ayaa sheegay in 2 kamid ah hoggaamiyayaashii Daacish ay maqan yihiin laba-na dil iyo qabasho ay dowladdu isugu dartay.
“Madaxda Daacish ee diiwaanka noogu jirey 4 ayey ahaayeen mid waa la-diley, mid waa la-qabtay, labana waa naga maqan tahay”, Ayuu yiri Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.



