Madaxweynaha dowladda federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu booqasho rasmi ah…

Madaxweynaha dowladda federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu booqasho rasmi ah ku tago dalka Shiinaha, kaddib casuumaad uu ka helay dowladda Shiinaha, sida uu shaaciyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha, Wang Yi.
Muddada uu ku sugan yahay Shiinaha Madaxweynaha Somalia waxa uu kulamo gooni-gooni ah la yeelan doonaa madaxda ugu sarreysa dalkaasi, kuwaas oo diiradda lagu saari doono xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga istiraatiijiga ah.
Jamhuuriyadda Shiinaha ayaa si rasmi ah u xaqiijisay inay si buuxda u taageersan tahay midnimada dhuleed ee Soomaaliya, waxaana ay ballanqaaday inay ka shaqayn doonto horumarinta hay’adaha dowladda iyo arrimaha bulshada Somalia.
Booqashadaan la qorsheeyey ayaa ku soo aadaysa xilli uu wasiir Wang Yi dhawaan ka baaqday safar horay loo filayay inuu ku yimaado magaalada Muqdisho, inkastoo uu si cad u muujiyay mowqifka adag ee Shiinaha ee ku aaddan taageerada midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.



