Madaxweynaha Somalia oo ka degey gobolka Shabeellaha Hoose.

Madaxweynaha dowladda federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa socdaal cirka…

20 March, 2026

Madaxweynaha dowladda federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa socdaal cirka ah ku tegey deegaanka Gandarshe ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Madaxweynaha Somalia oo gaarey deegaankaan lana kulmay ciidamada ku sugan furimaha dagaalka ee laga saaray kooxda Alshabaab ayaa sheegay in deegaankaasi uu yahay dhul hodon ah haseyeeshee uu baaba’ay oo dayac xooggani ka muuqdo.

“Waan ka xumaaday Gandarshe sida ay u baaba’day oo cidlo u noqotay waa meel aan imaan jiray shacabka halkaan ku noolaa waa la dhibaateeyay calool xumo baan dareemayaa, wax badan ayaan ka qaban doonaa”, Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ku soo beegmaya xilli uu khilaaf xooggani ka dhexeeyo maamulka Koonfur Galbeed oo gobolku katirsan yahay iyo dowladda federalka ah ee Somalia, ayna maalmihii la soo dhaafay dowladdu ciidamo ku daabulaysay Baraawe iyo deegaamada hoosyimaada.