Xildhibaanada labada aqal ee barlamaanka jamhuuriyadda federalka ah ee Somalia ayaa maanta xarunta Villa Hargiesa kuyeelanaya…

Xildhibaanada labada aqal ee barlamaanka jamhuuriyadda federalka ah ee Somalia ayaa maanta xarunta Villa Hargiesa kuyeelanaya kulan wadajir ah oo looga arrinsanayo xaaladda guud ee dalka Somalia.
Qoraal kooban oo la gaarsiiyey baraha ay xildhibaanadu ku xiriiraan ayaa gelinkii dambe ee shalay lagu wargeliyey inay soo xaadiraan kulan muhiim ah oo uu khudbad ka jeedin doono madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Khudbadda ayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kaga hadli doonaa xaaladda guud ee dalka, midnimada, difaaca iyo go’aankii Yuhuuddu ku aqoonsatay maamulka Somaliland.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo wada dedaalo uu ku doonayo inuu Soomaalida dhexdeeda taageero xooggan uga helo qorshaha midnimada iyo qaadacaadda aqoonsiga dowladnimada Somaliland ayaa habeenimadii xalay la kulmay madaxda mucaaradka.



