Madaxweynaha Somalia oo shaaciyey inay dalal shisheeye siiyeen 12 xirmo oo shidaal ah- Video

29 April, 2026

Madaxweynaha dowladda federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreysey faahfaahin ka bixiyey…

Madaxweynaha dowladda federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreysey faahfaahin ka bixiyey xirmooyinka shidaalka ah ee kujira xeebaha Somalia, xilli Turkigu bilaabay qodista ceelkii ugu horreeyey.

Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayey kulan ka dhacay Muqdisho ayaa sheegey in Badda Soomaaliyeed kuyaallaan 260 xirmo oo shidaal baaxad leh ceegaago sida uu hadalka u dhigay ayna bixiyeen qaybihii ugu horreeyey.

Madaxweynaha Somalia ayaa sheegyay in dowladdiisu ay bixisay 12 ka mid ah xrimo, iyada oo saddex la siiyey Turkiga, inkastoo uusan faahfaahin ka bixin dalalka la siiyey xirmooyinkaasi kale ee shidaalka ah kuna teedsan xeebaha dalka.