Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa saaka dib ugu soo laabtay Magaalada Hargiesa kaddib…

Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa saaka dib ugu soo laabtay Magaalada Hargiesa kaddib safar shaqo ee uu ku tegay Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.
Madaxweyne Cirro ayaa Magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta kaga qaybgalay Shirkii Dawladaha Adduunka ee ay soo qaban qaabisay xukuumadda Imaaraadka Carabtu.
Shirka Kulanka Dawladaha Adduunka oo uu Madaxweynaha Somaliland ka qayb galay markii 2-aad oo xidhiidh ah, ayaa ahmiyad istiraatiijiyadeed oo muhiim ah u lahaa Somaliland, sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in shirku diiradda saarayey muddadii uu socdey dhinacyada diblomaasiyadda, maalgashiga, iskaashiga amniga, iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.



