Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa ku wajahan dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu…

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa ku wajahan dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu uga sii gudbi doono dalka Mareykanka, xilli ay Somalilan waddo dadaallo diblomaasiyadeed oo ay ku raadinayso aqoonsi caalami ah, gaar ahaan taageero uga timaadda dalalka reer Galbeedka & Khaliijka Carabta.
Madaxweyne Cirro ayaa la filayaa inuu inta uu ku sugan yahay Imaaraadka iyo Maraykanka uu kulamo la yeesho kulamo uu la qaadanayo mas’uuliyiin iyo dhinacyo siyaasadeed si uu ugala hadlo arrimaha la xiriira mustaqbalka siyaasadeed ee Somaliland iyo sidii uu indhaha caalamka ugu soo jeedin lahaa aqoonsi la siiyo kadib Israa’iil.
Dhinaca kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa inay Mareykanka u direyso wafdi sare, iyadoo ujeeddada safarka lagu sheegay inay tahay ka hortagga dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed ee Somaliland ku doonayso inay ku hesho aqoonsi caalami ah.
Dowladda Federaalka ayaa muddo dheer ku adkaysanaysay in Somaliland ay qayb ka tahay Soomaaliya, isla markaana aysan jirin cid si gooni ah uga wakiil noqon karta dalka, kadib go’aankii ka soo baxay maamulka Yuhuudda ee ku aadanaa aqoonsiga xukuumadda Hargaysa.
Madaxweynaha Dowladda federalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lafilayaa inuu bilowga bishaan gaaro dalka Maraykanka oo uu kaga qaybgeli doono shir Qaramada Midoobey ku casuntey inkastoo lagu cadaadinayo inuu heshiis la gaaro mucaaradka kadib safarkiisa Ameerika.




