Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa Maanta booqanaya Magaalada Tel Aviv, oo uu ku tegayo…

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa Maanta booqanaya Magaalada Tel Aviv, oo uu ku tegayo booqashadii ugu horreysey xilli ay sanadkii hore Isrl ku dhawaaqday inay dowlad Madax-banaan u aqoonsatay Maamulka Somaliland.
Cabdiraxmaan Cirro, ayaa muddada uu ku sugan gudaha Israa’iil waxa uu ka qaybgeli doonaa xuska xasuuqii Naasiyiinta Jarmalka ay u geysteen Yuhuudda kunool Yurub intii lagu jiray dagaalkii 2aad ee Adduunka.
Dhanka kalena, Cabdiraxaman Cirro ayaa waxa uu furi doonaa safaarad cusub oo Hargaysa ka furanayso Quddusta la haysto, isaga oo kulmaya Netenyaahu & madaxda kale ee Israa’iil, sida ay sheegeen saraakiil katirsan Madaxtooyada Maamulka Somaliland.
Ugu dambayntiina Cabdiraxaman Cirro ayaa lagu wadaa in uu si rasmi ah qalinka ugu duugo Heshiiska Abraham Accords oo fududaynaya xidhiidhka diblumaasiyadeed & iskaashi ee Israa’iil iyo Somaliland, sida uu weriyey Telefishinka Telaabiib ee iTVNews.




