27 June, 2026
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo martiqaad khaas ah ka helay walaalkiis Madaxweyne…

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo martiqaad khaas ah ka helay walaalkiis Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka qeyb galay Munaasabadda xuska 49 guuradii ka soo wareegatay markii xornimada ay qaadatay Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti ugu hambalyeeyay munaasabaddan qiimaha leh, wuxuuna sallaan iyo hambalyo uu ka siday Shacabka Soomaaliyeed uu gaarsiiyay walaalkiis Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.



