Madaxweynaha Soomaaliya oo ku ammaanay Turkiga taageerada uu dalkiisa ka siiyo la dagaalanka argagixisada

13 April, 2025

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Sabtidii sheegay in dalkiisu uu ku sii socdo ka hortagga argagixisada, isagoo muujiyay taageerada Turkiga.

“Turkiga iyo Soomaaliya waa saaxiibo dhab ah oo ku salaysan dano wadaag ah,” Xassan ayaa ka sheegay Madasha Diblomaasiyadda ee Antalya.

Isagoo sheegay in Soomaaliya ay soo martay marxalado adag balse ay xaaladdu ka gudubtay burburkii, una gudubtay xaalad cusub, isagoo xusay in hay’adaha dowliga ah aysan weli qaan-gaarin, balse horumarro la taaban karo laga gaaray sannadihii u dambeeyay.

Xassan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku dadaaleyso sidii ay ku gaari lahayd maqaamkii ay ku lahayd caalamka, ayna si firfircoon ula dagaalamayso ururada argagixisada sida Al-Shabaab iyo Daacish (ISIS).

Waxa uu xusay in hay’ado badan oo caalami ah oo ay ku jiraan UN-ka iyo Midowga Afrika iyo sidoo kale dalal ay ka mid yihiin Mareykanka,Turkiye iyo UK oo ay wehliyaan dowladaha deriska ah ay taageerayaan Soomaaliya.

Wuxuu ku nuux-nuux saday inkasta oo taageero dibadda ah, la dagaalanka argagixisada ay hormuud ka tahay Soomaaliya, wuxuuna ku dhawaaqay in markii ugu horreysay tan iyo 1969-kii la qaban doono doorasho.

Waxa uu carabka ku dhuftay in Somalia ay ku fadhiso Kursiga Golaha Ammaanka ee QM u matalaysa Bariga Afrika, sidoo kalena ay xubin ka tahay Jaamacadda Carabta, isagoo caddeeyay inuu rumeysan yahay in dalka uu gaari doono booska uu xaqa u leeyahay.

Madaxweynaha waxa uu tilmaamay in inkastoo Ururada Argagixisadu ay wataan ajandayaal caalami ah, hadana ay dhibaato ka geysteen Soomaaliya duruufo hore oo jiray awgeed.

Wuxuu hoosta ka xariiqay in kooxahaasi ay daaha ka rogeen dabeecadooda dhabta ah, isla markaana Soomaalidu ay si aad ah u aqoonsan tahay in ficillada ururadaasi aysan waafaqsanayn qiyamka iyo xaqiiqada Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in dalka uu doonayo in uu cod u noqdo dowladaha kale ee wajahaya caqabadaha la mid ah Soomaaliya.

Wuxuu intaa ku daray in Soomaaliya ay si firfircoon ugu gudbineyso danaheeda qaran quwadaha caalamka iyo kuwa gobolka iyo sidoo kale dowladaha deriska ah, iyadoo dantaas u dejisay qaab ay labada dhinac uga faa’ideysanayaan wada xaajoodka.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay leedahay kheyraad qaali ah iyo goob istaraatiiji ah, balse habacsanaanta hay’adaha dowliga ah awgeed, inta badan jilayaasha kale aysan diiradda saarin waxa ay ku soo kordhin karaan Soomaaliya, balse ay diiradda saaraan waxa ay soo saari karaan.

Isagoo ka hadlayay baahida loo qabo isbedello waara, Maxamuud ayaa intaas ku daray in iyadoo qayb ka ah Midowga Afrika, Soomaaliya ay ku sii soconayso ajendaha Hiigsiga 2063-ka, ayna ka shaqeynayso sidii Afrika loogu beddeli lahaa goob ganacsi oo xor ah.

Xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya

Hogaamiyaha Soomaaliya ayaa xusay in Soomaaliya iyo Itoobiya oo ah dal deris ah ay wadaagaan taariikh soo jireen ah oo marar badan colaado ka jirtay.

Waxa uu sheegay in xiisadaha jira awgeed in si weyn diiradda loo saaray arrimaha ciidamada iyo difaaca, taasna ay keentay in afgambi iyo kacdoono.

Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay baaqii Ankara ee ay Soomaaliya iyo Itoobiya ku kala saxiixdeen fursad qaali ah oo lagu qaabeynayo mustaqbalka wanaagsan ee labada dal.

Waxa uu intaa ku daray in labada dhinac ay yeesheen booqashooyin iyo is-dhaafsi.

Isagoo tilmaamay in kulan kale oo ay ku lug leeyihiin labada dal uu ka dhici doono Turkiga, Maxamuud wuxuu sheegay in wada-xaajoodyadu ay socdaan, balse aysan labadooduba raadin colaad.

Dhanka xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya, Maxamuud ayaa xusay abaar daran oo ku dhufatay dalkiisa sannadihii 2010-2011, taasoo keentay khasaare nafeed, ayna qayb ka qaadatay caqabadaha ammaanka.

Marka laga yimaado dhibaatooyinkaas, waxa uu xusay in Ra’iisul Wasaarihii xilligaas iyo Madaxweynaha hadda talada haya ee Recep Tayyip Erdogan ay booqasho ku tageen Soomaaliya isaga iyo qoyskiisa iyo Golihiisa Wasiirada, isagoo u muujiyay caalamka in Soomaaliya ay tahay mid la gaari karo oo aysan ahayn meel cidlo ah oo laga tago.

Xassan Sheekh Maxamuud ayaa hoosta ka xarriiqay in arrinta ugu weyn ee Soomaaliya aysan hadda ahayn macaluul, balse ay tahay argagaxisada, wuxuuna carrabka ku dhuftay taageerada Turkiga — bixinta tababarrada, tignoolajiyada iyo la-talinta ciidamada ammaanka.

Turkiga ayaa xiriir aad u xooggan kala dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo sheegay in Ankara ay taageertay waqtiyo kala duwan iyo waqtiyo adag.

Falastiin

Xassan ayaa sheegay in arrinta Falastiin ay tahay mas’uuliyad akhlaaqeed iyo mid diineed, Soomaaliyana aysan marnaba ka tanaasuli doonin arrintan. Waxa uu sidoo kale hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la gaaro xal nabadeed oo labada dal ah.

Isagoo ka hadlayay sheegashada ku saabsan qorshe la filayo in Falastiiniyiinta dib u dajin loogu sameeyo Somaliland.

“Somaliland waa qayb ka mid ah Soomaaliya, mana jirto cid waligeed u soo dhawaysay Soomaaliya oo ay ku qaabilayso dadka Falastiiniyiinta ah ee lagu beddelayo dhulkooda, xal uma aragno, maaha in cid aqoonsanayso iyo in aanay aqoonsanayn, ee waa fikradda ah in Falastiin laga saaro dhulkooda oo la geliyo dhul kale, anigu uma arko in taasi xal tahay haba yaraatee.