Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Imaaraadka

11 March, 2025

Labada mas’uul waxay ka wada hadleen dedaallada dhinacyada horumarinta iyo xasilloonida Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga dalka Imaaraadka Carabta ayaa kulan la qaatay dhiggiisa dalka Imaaraadka, Shiikh Maxamed bin Zayed Al Nahyan.

Kulankooda oo ka dhacay Qasriga Al Bateen ee magaalada Abu Dhabi ayaa labada mas’uul waxay ka wada hadleen xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya Imaaraadka iyo Soomaaliya, waxaana lagu lafa guray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan, gaar ahaan dedaallada dhinacyada horumarinta iyo xasilloonida Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyay taageerada joogtada ah ee Imaaraadka Carabta ay ka geystaan ​​horumarinta Soomaaliya, isagoo muujiyay doorka ay ku leeyihiin caawinta shacabka Soomaaliyeed si loo gaaro horumar baaxad leh.