Madaxweynaha ku meel gaadhka ah ee Suuriya Ahmad al-Sharaa ayaa Khamiistii ku eedeeyay Israa’iil in ay isku dayayso in ay waddankiisa u soo jiiddo dagaal balse waxa uu sheegay in aanay ku guulaysanayn.

Ciidamada Israel ayaa dhowrkii sano ee lasoo dhaafay weeraro isdaba joog ah ku qaaday dalka Suuriya. Waxa ay u sii gudbeen aagga ay Qaramada Midoobay ka taliso ee gudaha Suuriya bishii December ee la soo dhaafay iyaga oo ka soo dhaqaaqay fariisimo ku yaalla buuraha Golan ee Suuriya ee sida sharci-darrada ah loo haysto.
Israa’iil ayaa sidoo kale ka soo horjeesatay in ciidamada dowladda Suuriya la geeyo gobollada koonfureed, iyadoo ujeedadu tahay in dib loo soo celiyo nidaamka iyo kala dambeynta iyadoo ay dhawaanahan socdeen dagaallo u dhexeeya dagaalyahannada Druze iyo qabaa’ilka Bedouin.
Ruushka iyo Shiinaha ayaa labaduba soo xigtay in loo baahan yahay in la taageero madax banaanida Suuriya faallooyin ku saabsan duqeymihii Israa’iil ee dhawaan ka dhacay deriskooda.
Sidoo kale, Midowga Yurub ayaa ku booriyay Israa’iil inay ka waantoobaan duqeymaha ay ku hayaan dalka ay deriska yihiin ee Suuriya, waxayna ugu baaqeen iyada iyo dalalka kaleba inay ilaaliyaan madax-bannaanida Suuriya.
Dhinaca kale, Ahmad al-Sharaa ayaa sheegay in ilaalinta dadka laga tirada badan yahay ee Druze-ka “mudnaan siinayaan”, kadib rabshado diimeed oo ka dhacay koonfurta Suuriya goobaha ay degaan dadka Druze-ka oo ay ku dhinteen boqolaal qof.
Sharaa wuxuu sheegay in “mas’uuliyadda” ammaanka magaalada Sweida, oo ah goobta ugu weyn ee rabshaduhu ka dhaceen maalmihii la soo dhaafay, lagu wareejin doono odayaasha diinta iyo qaar ka mid ah kooxaha maxalliga ah “oo ku saleysan danta Qaranka.”
Arrintan ayaa timid ka dib markii ciidamada dowladda la geeyay magaalada Talaadadii si ay u soo celiyaan xasiloonida ka dib iska horimaadyo lagu hoobtay oo dhex maray dagaalyahanada Druze iyo qabiilada Bedouin ee deegaanka.



