Madaxweynaha Suuriya oo safarkiisii ugu horeeyey ee Yurub ku tagay Faransiiska

7 May, 2025

Madaxweynaha cusub ee ku meel gaadhka ah ee Suuriya Axmed al-Sharaa ayaa Arbacadii kula kulmay qasriga Elysée ee Paris Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron safarkii ugu horeeyay ee uu ku tago Yurub tan iyo markii uu xukunka qabtay bishii December.

Macron wuxuu ku booriyay Sharaa inuu ilaaliyo dhammaan shacabka Suuriya kadib weerarradii ugu dambeeyay ee ka dhanka ahaa kooxaha laga tirada badan yahay ee Suuriya.

Macron waxa kale oo uu sheegay in uu sii wadi doono qaadista cunaqabataynta Midowga Yurub ee ka dhanka ah Suuriya haddii ay Suuriya ku adkaysato dariiqa ay hadda marayso, waxaanu intaa ku daray in uu u ololayn doono in Maraykanka uu ku daydo arrintan.

Labada hoggaamiye waxay qabteen waxa Macron ku tilmaamay wadahadal “dheer” oo “furan” iyagoo ka wadahadlay rabshadihii dhowaan ka dhacay Suuriya ee ka dhanka ahaa kooxaha laga tirada badan yahay, dadaallada Suuriya ee wax looga qabanayo soo saarista daroogada sharci darrada ah ee Kabtagon, iyo sidii Suuriya iyo Faransiiska ay uga wada shaqeyn lahaayeen wax ka qabashada arrimaha amniga wadajirka ah ee la xiriira argagixisada.

Sharaa waxa uu intaa ku daray in ay ka wadahadleen sidii ay “isaga ilaalin lahaayeen in ay sii huraan colaado kale” oo u dhaxaysa Suuriya iyo dalalka dariska la ah Israa’iil iyo Lubnaan, iyo sidoo kale baahida loo qabo in dib loo dhiso kaabayaasha Suuriya si ay qaxootigu u soo laabtaan.