Madaxweynaha Uganda Museveni oo xaqiijiyay inuu markale xukunka u sharaxan yahay

29 June, 2025

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa xaqiijiyay in uu u tartami doono doorashada madaxtinimo ee sanadka soo socda.

80-jirkan ayaa goor dambe oo sabtidii ku dhawaaqay in uu tartamayo, uuna yahay murashaxa madaxweynaha ee xisbigiisa Dhaqdhaqaaqa Iska caabinta Qaranka (NRM).

Museveni ayaa xukunka la wareegay sanadkii 1986-kii kadib dagaal sokeeye oo socday muddo shan sano ah, waxaana uu xukunka hayay tan iyo xilligaas.

Xisbihiisa NRM ayaa laba jeer wax ka badalay dastuurka si meesha looga saaro xaddidaadda muddada iyo da’da, taasoo u xaadhaysay dariiqa uu Museveni ku kordhin karo xukunkiisa.

Kooxaha xuquuqul insaanka ayaa ku eedeeyay in uu isticmaalay ciidamada ammaanka iyo dowlada si uu u cabudhiyo mucaaradka – eedaas oo uu diiday isagu.

Museveni waxa uu sheegay inuu doonayo in dib loo doorto si uu Uganda u bedelo oo sare ugu qaado dhaqaalaha $500bn shanta sano ee soo socota. Marka loo eego xogta dawladda, wax-soo-saarka guud ee dalka hadda waxa uu ka hooseeyaa $66bn.

Dadka reer Uganda ayaa lagu wadaa in bisha Janaayo ay u codeeyaan doorashada madaxweynaha iyo xubnaha baarlamaanka.

Hoggaamiyaha mucaaradka Bobi Wine, ahna siyaasi caan ah oo magaciisa rasmiga yahay Robert Kyagulanyi, ayaa xaqiijiyay inuu mar kale tartami doono. Wuxuu horeu u diiday natiijadii doorashashii 2021, isagoo ku eedeeyay dowlada musuqmaasuq baahsan, faragelin codbixineed iyo caga-jugleyn ay geysteen ciidamada ammaanka.

Xiisada ayaa sare u kacday bilihii lasoo dhaafay kadib markii baarlamaanka uu meel mariyay sharci ogolaanaya in maxkamadaha ciidamada ay maxkamadeeyaan dadka rayidka ah, go’aankaasi oo ay maxkamada sare ay ku sheegtay bishii Janaayo mid aan waafaqsanayn dastuurka dalka.