17 January, 2026
Guddiga doorashada ayaa sheegay in Museveni uu helay 71.65% .

Guddiga doorashada ee dalka Uganda ayaa ku dhawaaqay in Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni dib loogu doortay xilka markii toddobaad.
Komishanka doorashooyinka ee dalka ayaa sheegay in Museveni, oo 81 jir ah, uu ku guuleystay 71.65% codadka.
Wuxuu ka adkaaday murashaxii la tartamayay ee ugu weynaa, Bobi Wine oo 43 jir ah, kaasoo helay 24.72% codadka, sida ku cad natiijooyinka rasmiga ah.
Guusha Museveni ee si weyn loo filayay waxay timid ka dib olole doorasho oo Qaramada Midoobay ay sheegtay inay hareeyeen “cabburin iyo cabsigelin ballaaran”, oo ay ku jirto olole ka dhan ah isu soo baxyada mucaaradka.



