Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo gaarey Villa Somalia.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo dhiggiisa Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa gaarey aqalka Madaxtooyada Somalia,…

19 February, 2026
Screenshot

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo dhiggiisa Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa gaarey aqalka Madaxtooyada Somalia, si ay uga qaybgalaan shirka madaxtooyada iyo Golaha Mustaqbalka.

Madaxweynaha dowladda federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo dhigay gogosha shirkaan ayaa soo dhaweyn kooban u sameeyey Madaxda labada dowlad goboleed oo horay uga biyo-diidsanaa booqashada Villa Somalia.

Labada Madaxweyne ayaa ka qaybgeli doona shirka golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed iyo madaxda dowladda federalka ah ee Somalia oo muddo la sugayey.

Kulanka ayaa looga arrinsan doonaa xaaladda guud ee ay xilligaan ku sugan tahay Somalia gaar ahaan dhinacyada ammaanka, doorashooyinka, waxka-beddelka dastuurka iyo qodobo kale oo quseeya marxaladaha kala guurd.