Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland iyo Madasha Mucaaradka oo ku shiray Nairobi.

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa maanta lagu qabtay shir muhiim ah oo ay isugu yimaadeen…

2 October, 2025

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa maanta lagu qabtay shir muhiim ah oo ay isugu yimaadeen siyaasiyiinta mucaaradka iyo hoggaamiyeyaasha maamulada Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo si cad uga soo horjeeda qorshaha Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku doonayo in dalka laga hirgeliyo nidaamka doorasho qof iyo cod ah.

Shirka Nairobi ayaa loo arkaa mid hordhac u ah shir ballaaran oo lagu shaacin doono dhismaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, kaas oo la sheegay in ay ku mideysan doonaan mucaaradka iyo maamullada Puntland iyo Jubbaland. Golahaasi ayaa lagu tilmaamay inuu noqon doono madal siyaasadeed oo mideysa mowqifyada mucaaradka iyo maamulladaasi, si ay u yeeshaan saameyn muuqata oo ka dhan ah qorshaha dowladda federaalka.

Mucaaradka iyo madaxda Puntland iyo Jubbaland ayaa ku sababeeyay diidmada nidaamka doorashada qof iyo cod in madaxweynaha uu ku xadgudbay dastuurka Kumeelgaarka ah, ka dib markii uu wax ka bedelay qodobo muhiim ah oo ay ku jiraan kuwa ku saabsan awood qaybsiga iyo nidaamka doorashooyinka. Arrintan ayay sheegeen in ay dhaawac ku tahay heshiisyadii hore iyo wadajirka siyaasadeed ee dalka.

Sidoo kale, xubnahan mucaaradka ah iyo hoggaamiyeyaasha maamulladaasi waxay tilmaameen in xaaladda amni ee dalka aanay u saamaxayn hirgelinta nidaamka doorashada qof iyo cod, maadaama deegaano badan oo muhiim ah aysan wali ku sugnayn gacanta dowladda. Waxay intaas ku dareen in tallaabada lagu degdego ay khatar ku tahay nabadda iyo mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Ugu dambayn, ka qaybgalayaasha shirka ayaa ku baaqay wada tashiyo siyaasadeed iyo in laga fogaado tallaabo kasta oo dhaawici karta midnimada iyo amniga dalka. Waxay xuseen in Soomaaliya u baahan tahay heshiis siyaasadeed oo ay ku mideysan yihiin dhammaan dhinacyada, halkii laga qaadi lahaa go’aanno ay mucaaradad adag ka dhalanayso.