Madaxweyne Cirro “Aabbaha Gubay Caruurtiisa waa mid ugub ah oo murugo badan”

11 November, 2025

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa ka hadlay dhacdo murugo leh oo aabbe gubay carruurtiisa…

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa ka hadlay dhacdo murugo leh oo aabbe gubay carruurtiisa taas oo uu ku tilmaamay mid ugub ah oo naxdin badan. Madaxweynaha ayaa tacsi u diray hooyada carruurtaas, isagoo Alle uga baryay inuu qalbiga u adkeeyo.

Falkan argagaxa leh ayaa dhacay kadib markii nin ku sugan magaalada Hargeysa uu gubay afar carruur ah oo uu dhalay, kuwaas oo dhintay, halka ilma yar oo kale uu ka badbaaday maadaama ay hooyadii sidatay xiligaas.

Ciidamada amniga Somaliland ayaa ninkan gacanta ku dhigay, waxaana lagu hayaa xarunta dembi-baarista si loo ogaado sababta keentay falkaas foosha xun. Ilaa hadda lama oga inuu xanuunsanaa ama sabab kale jirto oo ku kaliftay falka.

Dhacdadan ayaa bulshada Somaliland gilgishay, iyadoo si weyn loogu faafiyay baraha bulshada, waxaana dad badan ay muujiyeen caro iyo naxdin ku saabsan sida ay wax u dhaceen.

Masuuliyiinta amniga ayaa sheegay in baaritaan dhameystiran lagu sameynayo kiiskan, si cadaaladda loo horkeeno eedeysanaha, ayna bulshada uga hortagaan falal noocan oo kale ah oo lid ku ah bani’aadantinimada.