Madaxweyne Cirro iyo dhaqanka gobolka Sanaag oo nabadayn ugu sugan Ceerigaabo.

22 October, 2025

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo wafti uu hogaaminaayo ayaa gelinkii dambe ee shalay…

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo wafti uu hogaaminaayo ayaa gelinkii dambe ee shalay gaarey Magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.

Ujeedada safarka Madaxweynaha ayaa ah sidii loo soo xidhi lahaa Shirka Nabadda oo lagu xoojinayo nabadda, isu-soo dhawaanshaha, shacabka wada dega guud ahaan gobolka Sanaag.

Dhanka kalena, waxaa Magaalada Ceerigaabo gaarey wafti dhaqameed uu hoggaaminayo Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo ka kicitimay Magaalada Badhan, si ay uga qayb-galaan shirarka nabadaynta gobolka Sanaag.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Somaliland ayaa horay u shaaciyey inay ka shaqaynayaan nabadda magaalada Ceerigaabo, xilli ay dhawaan labada maamul heshiis ku kala saxiixdeen Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.