Madaxweyne Cirro oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay gobolka Sanaag.

27 February, 2026

Madaxweynaha Somaliland ayaa xalay kulan afur iyo casho-sharaf isugu jira Madaxtooyada ugu sameeyey culimaa’u-diinka Somaliland, ayaa…

Madaxweynaha Somaliland ayaa xalay kulan afur iyo casho-sharaf isugu jira Madaxtooyada ugu sameeyey culimaa’u-diinka Somaliland, ayaa ku ammaanay doorkii ay ka qaateen jihaynta bulshada muddadii lagu gudajirey aqoonsigii Israel ee Somaliland.

“Waxaan culimada uga mahad-naqayaa intii ictiraafka la helay kaalintii ay ku lahaayeen iyo sida ay uga jawaabeen dadkii diinta ku soo dhuumanayay ee sida khaldan u turjumayay,” Ayaa uu yiri Madaxweyne Cirro.

Dhanka kalena, Madaxweynaha Somaliland ayaa hadlay dagaal gelinkii hore ee shalay ka dhacay deegaanka Waqadariya ee gobolka Sanaag, wuxuuna ku baaqay in dhinacyadu colaadda joojiyaan loona hoggaansamo nabadda.

Cirro ayaa ugu baaqay culimaa’udiinka Somaliland inay kaalin ka qaataan nabadaynta dhinacyada dirirtu u dhexayso, xilli lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadan.