Madaxweynaha maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi, ayaa ka hadlay dedaalka ay xukuumaddiisu ku bixisay nabadaynta iyo…

Madaxweynaha maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi, ayaa ka hadlay dedaalka ay xukuumaddiisu ku bixisay nabadaynta iyo siidaynta maxaabiista ku xiran Magaalada Laascaanood.
Madaxweyne Cirro, oo la hadlay barlamaanka Maamulka Somaliland ayaa sheegay in xukuumaddu ay furtay dhammaan albaabada wada-xaajoodka maamulka Waqooyi Bari ayna u gardhiibatay isimo ka socda dowlad deegaanka Somalida Itoobiya.
“Sool-bari waa dad aysan Somaliland inteeda kale kala maarmi karin dhiig iyo dhaqanba waa wadaagaan, haddii qaladaad dhacayna waa arrin aan xal waara ka gaadhi karno, horraantii 2025 waxaan ergadii Garaad Kulmiye u sheegnay in Somaliland dhisayso guddi nabadeed oo arrintaasi ka shaqeeya”, Ayuu yiri Madaxweyne Cirro.
Cirro ayaa intaasi ku daray,”Waxaan u sheegnay in Somaliland diyaar u tahay nabad iyo isdhaafsiga Maxaabiista iyo in isku-socodka lagu furo shuruud la’aan arrintaasi oo aannu weli jawaabteeda ka sugayno walaalaha Laascaanood.”



