Madaxweynaha maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka qaybgelaya shirweynaha caalamiga ah ee Doodda Afrika…

Madaxweynaha maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka qaybgelaya shirweynaha caalamiga ah ee Doodda Afrika iyo Imaaraadka (The African Debate – UAE), kaas oo ka dhacaya magaalada Abu Dhabi 30-ka Sebtembar.
Shirkan ayaa diiradda lagu saari doonaa sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhaqaale ee u dhexeeya Imaaraadka iyo dalalka Afrika, iyadoo looga golleeyahay in la abuuro maalgashi waara, iyadoo ahmiyadda la siinayo.
Kobcinta xiriirka dhaqaale ee Afrika iyo Imaaraadka.
Maalgashiga tamarta la cusboonaysiin karo.
Horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo isku xidhka suuqyada.
Kobcinta hal-abuurka dhijitaalka ah iyo ICT.
Horumarinta wax soo saarka cuntada.
Faa’iidaysiga heshiisyada ganacsi ee Imaaraadka iyo Afrika.




