Madaxweynaha maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ayaa safar aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin ugu…

Madaxweynaha maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ayaa safar aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin ugu kicitimay Magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.
Socdaalkaan oo la xaqiijiyey inay ku weheliyaan saraakiil katirsan Madaxtooyada maamulka Somaliland ayaa qaadan doona muddo dhawr cisho ah, iyadoo uu Cirro la kulmi doono saraakiil iyo madax katirsan Imaaraadka Carabta.
Imaaraadka Carabta oo ah dalka ugu badan ee uu u socdaalo Cirro ayaa Mashaariic horumarineed ka wadda deegaamo katirsan maamulka Somaliland, waxaana Hargiesa marar badan sheegtay inay ka quuddarraynayso aqoonsi dowlad ka madax-banaan Somalia inteeda kale.
Dowladda federalka ah ee Somalia ayaa muddooyinkii dambe hoos u dhigtay xiisaddii siyaasadeed ee kala dhexaysay Imaaraadka Carabta oo inteeda badan lagu sababaynayey danaha Sucuudiga oo xilligaan dagaalo kaga socdaan Bariga Dhexe.



