Madaxweyne Cirro oo safarka Madaxda DFS ee Laascaanood ku tilmaamay daandaansi qaawan.

16 January, 2026

Madaxweynaha Somaliland Cabdiramxaan Maxamed Cabdullaahi Cirro oo ka hadlay kulan ka dhacay Magaalada Hargaysa ee xarunta…

Madaxweynaha Somaliland Cabdiramxaan Maxamed Cabdullaahi Cirro oo ka hadlay kulan ka dhacay Magaalada Hargaysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa si adag uga hadlay safarka Madaxda dowladda Somalia ee Magaalada Laascaanood.

Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in socdaalka madaxweyne Xasan Sheekh ee Laascaanood uu yahay duulaan qaawan oo lagu soo qaaday maamulka Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.

“Xasan Shiikh wuxuu Laascaanood ka aloosayaa duulaan ka dhan ah Somaliland, diyaarado Turki ah ayaana laba-dhigaya ciidan & hub”, Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhanka kalena, Madaxweyne Cirro ayaa ku goodiyey in maamulkiisu tallaabo ka qaadi doono cidkasta oo duulaan ku soo qaadda,”waxa aan u sheegayaa caalamka in socdaalka Laascaanood yahay faragelin & duulaan-cad, cid kasta oo nagu soo duusha cashar ayaan u dhigayaa, waan u digayaa Laascaanood.”