Madaxweyne Cirro oo safiir cusub u magaacabay Israel.

25 February, 2026

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa danjirey idman oo rasmi ah u magacaabay inuu…

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa danjirey idman oo rasmi ah u magacaabay inuu Somaliland u qaabilsanaado Israel.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Somaliland ayuu Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud u magacaabey in uu ahaado Safiir buuxa oo idman (Extraordinary and Plenipotentiary) oo Somaliland u fadhiya Dawladda Israa’iil .

Safiirkan ayaa leh dhammaan haybadda, awoodaha, xuquuqaha iyo waajibaadka ku xusan xilkaas, si waafaqsan Dastuurka Somaliland, xeerarka dalka u yaalla, iyo qawaaniinta caalamiga ah ee diblomaasiyadda.