Madaxweyne Cirro oo shaaciyey inuu nabad ku baadigoobayo deegaamada gobolka Sool.

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in dadka Laascaanood ay yihiin dad reer Somaliland…

15 September, 2026

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in dadka Laascaanood ay yihiin dad reer Somaliland ah, isagoo sheegay in mudnaanta koowaad ee uu siinayo arrinta gobolka Sool ay tahay nabad iyo wada-hadal.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa tilmaamay in uu magaalada Ceerigaabo ula tegay “go’ cad” oo astaan u ah nabadda, isla markaana uu doonayo in dadaalkaas nabadeed uu sii wado ilaa laga gaarayo Laascaanood iyo deegaamada kale ee maamulka Waqooyi Bari ka arrimiyo xilligaan.

“Dadka Laascaanood waa dad aan is nahay, aniga waxaa iga go’an nabad, go’ cad ayaan la tegey Ceerigaabo, nabaddaas ayaan wadayaa ilaa aan helno Laascaanood”, Ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in Soomaalidu ay yihiin walaalo, Somaliland-na ay doonayso nabad iyo dowladnimo, balse wuxuu dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay halkii ay dadka mideyn lahayd kala qaybiso, Cirro wuxuu tusaale u soo qaatay dagaalladii iyo khilaafaadkii ka dhacay Baydhaba, Puntland iyo Jubbaland, isaga oo sheegay in Somaliland ay ka cabsi qabto in iyadana loo soo jeesto.

“Soomaali waa walaaleheen waxaan la jecel nahay nabad & dowladnimo, balse Dowladda-dhexe ee Muqdisho ayaa kala qaybisa dadka Soomaalida halkii ay mideyn lahayd; Baydhaba wey weerartay, Puntland wey isku dayday, Jubbaland wey weerartay, waxaana laga yabaa in annagana nagu soo socoto”, Ayuu yiri Cirro.