Madaxweyne Cirro oo sheegay inay ka shaqaynayaan xasiloonida Somalia.

18 May, 2026

Madaxweynaha maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, oo maanta khudbad ka jeediyey xuska 18 May oo…

Madaxweynaha maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, oo maanta khudbad ka jeediyey xuska 18 May oo ku beegan aasaaskii Somaliland ayaa ka hadlay arrimaha Somalia.

Cabdiraxmaan Cirro, oo difaacay goosashada Somaliland ayaa sheegay in la soo laabashadii madax-banaanadi aysan ku dhisnayn cadiifad iyo nacayb haseyeeshee ay ahayd casharo ay barteen reer Somaliland.

Dhanka kalena, Madaxweyne Cirro ayaa sheegay inay Somalia yihiin laba dal oo jaar ah ayna ka shaqayn doonaan horumarinta dhaqaalaha iyo nabadda mandaqadda.

“Dadka Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa in aanu nahay dal kale oo u soo kordhay qoomiyadda Soomaaliyeed, waxaan aaminsanahay in Somaliland oo la aqoonsado oo qaran Madax-bnanaan ah ay waxbadan ka tari doonto horumarinta dhaqaalaha iyo xasiloonida dalka aan deriska nahay ee Somalia”, Ayuu yiri Cirro.