Madaxweyne Cirro oo sheegay inuu bad la raadin doono Itoobiya.

24 January, 2026

Maamulka Somaliland ayaa dedaal xooggan ku bixinaya sidii markale dib loogu soo celin lahaa is-afgaradkii badda…

Maamulka Somaliland ayaa dedaal xooggan ku bixinaya sidii markale dib loogu soo celin lahaa is-afgaradkii badda ee ay horay ula galeen xukuumadda uu hoggaamiyo Aby Ahmed ee dalka Itoobiya.

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi oo ayaa sheegey in Itoobiya ay xaq u leedahay gaaritaanka marin biyood ay kaga xirmato badeecooyinka badda ee caalamka u kala goosha, ayna diyaar u yihiin inay arrimahaasi kala shaqeeyaan.

“Itoobiya waxa ay leedahay xaq ah in ay hesho meel ay badda ka gaadho… waana iskaashan karnaa”, Ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro.

Hadalkaan ayaa ku soo beegmaya xilli ay horay xukuumadda Aby hakad u gelisey is-afgaradkaasi si ay u soo celiso xiriirkeeda diblumaasiyadeed ee Somalia, uuna dhawaan maamulka Yuhuuddu aqoonsaday Somaliland.