Madaxweynaha maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa si adag uga hadlay shaqaaqooyinka dadku ku dhinteen…

Madaxweynaha maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa si adag uga hadlay shaqaaqooyinka dadku ku dhinteen ee ka soo cusboonaaday magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.
Madaxweyne Cirro oo ka tacsiyeeyey wixii dhacay ayaa beeniyey in cid kale ku soo duushey gobolka Awdal si ay ula wareegto, isagoo carrabka ku adkeeyey inaan cidna tirtiri karin ilbaxnimada iyo taariikhda ku duugan gobolkaasi.
“Anigoo caawa huwan sharaftiinii Madaxweynenimo waxaan idinla hor imid inaan idinla qaybsado khasaaraha ka dhashay wararka been abuurka ah ee laynagu soo dhex tuuray, cidna dhayal kuma qaadan karto dhul iyo deegaan cidkale degto maantana Awdal suuragal kama ahan in taariikh cusubi ka qoranto oo tirtirto taariikhdooda”, Ayuu yiri Cirro.
Dhanka kalena, Madaxweyne Cirro ayaa sheegay,”Kumanaan sano ayaan dhulkaan ku noolayn inagoo intaan ka itaalyar oo shisheeye naga awood badan nagu soo duuley dhulkeenana inaga qaadi kari waayey, maantana majirto cid cidkale meel ay deggan tahay ka qaadi karta, waxaana igu waajiba ah inaan cid walba xaqeeda dhawro, wixii dhacayna baaris rasmi ah ayaan ku wadnaa”.
Ku dhawaad 10 ruux ayaa ku geeriyootey tiro ka badanna dhaawacyo kala duwan ayaa ka soo gaarey rabshado 72-dii saac ee la soo dhaafay ka dhacay Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal oo Somaliland ka arrimiso.



