Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa siweyn ugu naafay Soomaalida inteeda kale, xilli ay dhawaan…

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa siweyn ugu naafay Soomaalida inteeda kale, xilli ay dhawaan aqoonsi gooni-goosad ka heleen maamulka Yuhuudda.
Cirro, oo ka hadlayey kulan ka dhacay Magaalada Hargaysa ayaa sheegay inay samaysteen dowladnimo baaxadleh halka Soomaalida kale ay dowladda u sameeyeen dalal shisheeye sida uu hadalka u dhigay.
Dhanka kalena, Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay inay yihiin deegaanka ugu hormarsan Soomaalida inteeda kale, isagoo ku faanay guulaha dowlad-dhiska iyo horumarinta bulshada ee maamulkiisu ku tallaabsaday muddadii uu jirey.
“Geed-hoostii ayaan ku shirnay dowladnimada annagaa samaysanay, Soomaalida kale shisheeye ayaa dowladnimada u sameeyey; waxaanu nahay dadka ugu horumarsan dadka Soomaalida”, Ayuu yiri Madaxweyne Cirro.



